April 12 2022.
Waxaan maanta kulan wadatashi,ah la yeelanay Mayor ku xigeenka maamulka magaalada Dirdhawa, Mudane Xarbi. waxaana kawada hadalay sidii loo dardar galin lahaa howlaha shaqo ee Ururka horumarinta soomaalida iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ka jiray dhinac dhaqaale uruurinta iyo taageerida horumarka bulshada soomaalida ee ku dhaqan gobolka siti iyo kuwa daggan hareeraha Maamulka maagaalda diredawa.
Waxaan isla qaadanay in aan dardargalino howlaha shaqada ururka horumarinta soomaalida, Islamarkaana si qorshaysan uga wada shaqayno xalinta caqabadaha ka jira dhinaca shaqada.
Xafiiska Ururka horumarinta soomaalida laantiisa dirdhaba ayaa muddo badan kala kulmay caqabado dhinaca deeq uruurinta, taasoo aan maanta ku guulaysanay in aan si wada jir,ah uga wada shaqayno xafiiska maamulka magaalada diredhawa qorshana aan ku kala qaadanay.
Aad ayàan ugu mahadcelinayaa mudane Xarbi kuxigeenka mayorka magaalada diredawa kago,naanshaha uu muujiyay sida uu ugarab istaagi lahaa habsami ushaqaynta Ururka horumarinta soomaalida.






Leave a Reply