Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa 100 qoys oo ah dadka abaarta ka soo doolay gaadhsiiyay raashinka noocyadiisa kala duwan.
Iyada oo bisha barakaysan ee soonku foodda inagu soo hayso bulsho badan oo dool ahna ku sugan tahay gobolka Faafan ayuu maanta Ururka Horumarinta Soomaalidu bulshada doolka ah ee ku sugan duleedka magaalada Jig-jiga gaadhsiiyay raashin isugu jira bariis, sonkor, daqiiq, baasto, saliid, timir iyo baco.
Bulshada raashinkan la soo gaadhsiiyay ayaa uga mahad-celiyay Ururka Horumarinta Soomaalida ee deeqdan soo gaadhsiiyay.
Dhankiisa, maareeye-ku-xigeenka Ururka Horumarinta Soomaalida, mudane Khadar Axmed ayaa sheegay in ay xoogga sarayaan sidii ay u caawin lahaayeen bulshada tabaalaysan maaddaama bil soon la galayo.



















Leave a Reply