dhismaha/balaadhinta iyo qalabaynta 6 goobood

Hayada horumarinta soomalida ayaa dhamaystirtay dhismaha/balaadhinta iyo qalabaynta 6 goobood oo isugu jira iskuulo, maktabado akhris iyo rug caafimaad kuwaas oo dhamaantood xadhiga laga jari doono bishan gudaheeda shaqadiina bilaabay oo shacabku ka faa,iidaysanayo hadda.
Shaqooyinkan kala duwan ayaa lagu dhamystiray wakhti yar gudihii, waxayna qayb wayn ka yihiin ka jawaabida baahiyaha bulshada ee la xidhiidha adeegyada aas aasiga.
Rugta caafimaadka darajada 2aad ee shalay xadhiga laga jaray waxay qaybkatahay bilowga shaqooyinkaas dhamaaday ee hayada horumarinta soomalidu xadhiga ka jari doonto xili dhow kuwaas oo laga kala fuliyay goobaha hoos ku qoran.
B. Dhismaha labo maktabadood( library)
dugsiyada sare ee Cadaadle iyo Xamaro.
T. dhismaha hal xarun caafimaad oo darajada 2aad,ah
oo laga hirgaliyay degmada birqod tuulada
isdaba-dag. Oo shalay xadhiga laga jaray.
J. balaadhinta labo school oo kala ah dugsiga hoose/
dhexe ee tuulada Gila ee degmada qabribayah iyo
dugsiga hoose/dhexe magaalada filtu degmada filtu.
X. Dhismaha hal iskuul hoose oo cusub oo dhismihiisii
la dhamaystiray lagana hirgaliyay degmada Galaadi
ee gobolka dollo.
Gololada hoos ku qoran ayaa laga fuliyay shaqooyinka dhismaha ee kor ku xusan.

  1. Gobolka Liban -deg. Filtu,
  2. Gobolka Dollo- deg. gallaadi
  3. Gobolka Shabelle- deg.cadaadle
  4. Gobolka Faafan – deg. qabriyahax, iyo
    5.gobolka Jajar – deg. Birqod
  5. Gobolka Erar – deg.xamaro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Popular Posts

  • Mashruc Soconaya 6 Bilod oo Ay
    Mashruc Soconaya 6 Bilod oo Ay

    February 3 2023.Hayada horumarinta soomalida( Somali development association) ayaa kawada gobolka afdheer fulinta Mashruuca ka jawaabista/wax ka qabashada abaaraha oo ay maalgalisay ECHO, FAO mashruucan oo soconaya muddo lix bilood,ah ayaa laga fulinayaa degmmoyinka Hargeele, Doolobay iyo Baarey ee gobolka afdheer. Guud, ahaan qorsha mashruucu waa In la gaadhsiiyo bulshada kaalmo dhan 421,920kg of quud…

  • Baladhinta Dhismo Iskul
    Baladhinta Dhismo Iskul

    November 19 2022.Ha’ayada Horumarinta Soomaalida (SDA) ayaa Xadhiga kajartay Ballaadhinta Dhismo Iskuul Cusub, Dugsiga Hoose Dhexe Ee Tuulada Gilo Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan. Waxaa kaloy Ha’ayadu u dhameystirtay Qalabeynta Iskuulkan Cusub oo ka kooban Afar Glass,

  • Xaflada xadhig kajarka Maktabada Dugsiga Sare
    Xaflada xadhig kajarka Maktabada Dugsiga Sare

    October 28 2022.Maktabadan oo loogu talagalay in ay kafaa’deystan ardeyda dugsiga sare ee degmada cadadle Iyadoo lafilayo in uu kor uqaadi doono tayada waxbarashada ee degmada Waxaa Fuliyay Ha’ayada Horumarinta Soomaalida, Waxana ku baxday in kabadan 2 million Ugu danbeyn Mr. khadar axmed mareye kuxigenka ururka horumarinta somalida ayaa kula dardaarmay bulshadu in ay ilaashato…

Categories

Tags