Hayada horumarinta soomalida ayaa dhamaystirtay dhismaha/balaadhinta iyo qalabaynta 6 goobood oo isugu jira iskuulo, maktabado akhris iyo rug caafimaad kuwaas oo dhamaantood xadhiga laga jari doono bishan gudaheeda shaqadiina bilaabay oo shacabku ka faa,iidaysanayo hadda.
Shaqooyinkan kala duwan ayaa lagu dhamystiray wakhti yar gudihii, waxayna qayb wayn ka yihiin ka jawaabida baahiyaha bulshada ee la xidhiidha adeegyada aas aasiga.
Rugta caafimaadka darajada 2aad ee shalay xadhiga laga jaray waxay qaybkatahay bilowga shaqooyinkaas dhamaaday ee hayada horumarinta soomalidu xadhiga ka jari doonto xili dhow kuwaas oo laga kala fuliyay goobaha hoos ku qoran.
B. Dhismaha labo maktabadood( library)
dugsiyada sare ee Cadaadle iyo Xamaro.
T. dhismaha hal xarun caafimaad oo darajada 2aad,ah
oo laga hirgaliyay degmada birqod tuulada
isdaba-dag. Oo shalay xadhiga laga jaray.
J. balaadhinta labo school oo kala ah dugsiga hoose/
dhexe ee tuulada Gila ee degmada qabribayah iyo
dugsiga hoose/dhexe magaalada filtu degmada filtu.
X. Dhismaha hal iskuul hoose oo cusub oo dhismihiisii
la dhamaystiray lagana hirgaliyay degmada Galaadi
ee gobolka dollo.
Gololada hoos ku qoran ayaa laga fuliyay shaqooyinka dhismaha ee kor ku xusan.
- Gobolka Liban -deg. Filtu,
- Gobolka Dollo- deg. gallaadi
- Gobolka Shabelle- deg.cadaadle
- Gobolka Faafan – deg. qabriyahax, iyo
5.gobolka Jajar – deg. Birqod - Gobolka Erar – deg.xamaro













Leave a Reply