Hayada horumarinta soomalida ayaan maanta soo bandhigtay qorshaha mudada dheer ee 5ta sano oo ku wajahan dhinacyada horumarka iyo ka jawaabida marxaladaha deg dega,ah sida Abaaraha, daadadka, iyo barakaca ka dhasha khilaafyada/ iskudhacyada. Qorshahan ayaa qayb ka,ah talaaboyinka lagu xaqiijinayo ka jawaabista baahiyaha horumarineed iyo kuwo degdega,ah ee bulshadeena.
Qorshaha hayada ee 5ta sano ayaa waxaa ka firo/talooyin wax ku ool,ah ka dhiibtay bahwadaagta kala duwan oo kakala socday xafiisyada dowlada iyo haayada caalamiga,ah Afkaarta iyo talooyinka bahwadaagta ayaa la tixgalin doona qaybna ka noqon doona dhamaystirka qorshaha 5tasano.
Qorshahan ayaa ku qotoma qorsha horumarinta ee 10ka sano ee deegaanka Soomalida iyo kan qaranka iyo qorshaha guud ee ka jawaabida marxalada deg dega ee deegaanka soomaalida.











Leave a Reply