April 19 2022.
Haayada Cuntada iyo beeraha aduunka Food and Agriculture organisation ee FAO iyo haayada Horumarinta Somalida ee SDA (Somali Development Association) ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan hirgelinta mashruuca degdega ah ee wax looga qabanayo abaaraha kaas oo laga fulin doono 9 degmo oo ka tirsan deegaanka somalida oo u badan dagmooyinka ay saameeyeen Abaaraha & ayaxa sida gobolada Sitti, Faafan iyo Afdheer.Mashruucaas oo taageeri doona beeralayda iyo xoola dhaqatadaba.
Maanta Waxaa ka soo qayb galay kulan lagu daahfurayay mashruucaas oo lagu qabtay magaalada Hadama(Adama) ama nazerate , Mashruucaas oo sidoo kale laga fulin doono deegaamada kale somalida, Oromia iyo SNNP ee ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.
Haayada Horumarinta Somalida ayaa mid ka mid ah haayadaha loo xushay in ay fuliyaan mashruucan.
Mashruucan ayaa waxaa maalgeliyay hay’adaha UNCERF, dowlada Jarmalka iyo USAID iyada oo la sii marinayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.
Ilahay roobka bolowday ha inoo siyaadiyo.










Leave a Reply