1,870 xidhmood oo calafka xoolaha ah ayuu Ururka Horumarinta Soomaalidu soo gaadhsiisay 3 degmo oo ka mid ah gobolka Shabeelle.
Degmooyinka deeqdan calafka ah la soo gaadhsiiyay ayaa kala ah Dhanaan, Cadaadle iyo Elelle, waxaana la gaadhsiiyay 720 xidhmood oo calafka xoolaha ah. Maareeye-ku-xigeenka Ururka Horumarinta Soomaalida, mudane Khadar Axmed ayaa sida oo kale sheegay in ururku uu biyo-dhaan ka wado 30 goobod oo isugu jira 8 degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeelle iyo Af-dheer.
Qeybaha kala duwan ee shacabka la gaadhsiiyay calafka xoolaha iyo biyo-dhaminta ayaa aad ugu mahad-naqay Ururka Horumarinta Soomaalida iyo xukuumadda DDS.


















Leave a Reply