Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida DDS Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta soo kormeeray habsami usocodka mashruuca Dhisida Kayd Ceelbiyod, water point iyo Dararka Xoolaha ee tuulada Qaydarkadiile ee degmada Yoocaale.
Maareeyaha ayaa sheegay in mashruucan la bilaabay 45 cisho kahor ayaa loogu talo’galay inay ka faaiidaystaan bulshada ku dhaqan tuulada Qaydarkadiile iyo nawaaxigeeda.
Gudooomiyaha gobolka Jarar Mudane Axmed Xuseen Axmed ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid ay bulshada aagani baahi badan u qabeen helitaankiisa maadaama oo ceelka la qoday 2 sano kahor islamarkaana ay dadka iyo xooluhuba ay kaga cabi jireen baco, halka maanta wixii ka dambeeya ay heleen goob ay dadka iyo xooluhuba ay ka kala cabi doonaan.
Mashruuca qalabaynta ceelbiyoodka Qaydarkadiile oo la soo gabo’gabayn doono muddo dhow ayaa ka kooban hal kayd, laba qasabadood iyo laba dararka xoolo ah. Mashruucan ayaa waxaa miisaaniyada lagu dhisayo bixinaysa hay’adda Oxform.
SDA












Leave a Reply