About Course
Halkan waxaa ku qoran tallaabooyinka ugu horreeya ee ay tahay inaad barato:
1. Barashada Qalabka Dibadda (Hardware Basics)
-
Kombuyuutarka (CPU/Laptop): Waa maskaxda ama xarunta uu ka shaqeeyo computer-ku.
-
Keyboard-ka (Keyboard): Waa sabuuradda xarfaha iyo nambarada leh ee aad wax ku qorto.
-
Mouse-ka (Mouse): Waa qalabka aad ku dhaqaaqdo ama aad ku doorato waxyaabaha ka muuqda muraayadda (screen-ka). Baro sida loo gujiyo (Left-click iyo Right-click) iyo sida loo jiido (drag).
2. Shidista iyo Daminta (Power On/Off)
-
Baro halka uu ku yaallo badhanka lagu shido computer-ka (Power Button).
-
Baro sida saxda ah ee loo damiyo computer-ka adigoo adeegsanaya nidaamka (Start Menu -> Shut Down) si uusan xogtu kuu kharibin ama qalabku u noqon mid daciifa.
3. Fahanka Muraayadda Hore (Desktop-ka)
Marka uu computer-ku shido, waxaa ku soo baxaya shaashad weyn oo la yiraahdo Desktop. Halkaas waxaa ku yaalla:
-
Taskbar: Waa xariiqa hoose ka muuqda oo ay ku jiraan barnaamijyada iyo saacaddu.
-
Icons: Waa sawirrada yaryar ee ku yaalla shaashadda oo matalaya barnaamijyo ama faylal.
4. Isticmaalka Mouse-ka iyo Xarfaha (Typing Practice)
-
Ku tababaro furista iyo xirista barnaamijyada adigoo laba jeer si degdeg ah u gujinaya mouse-ka (Double-click).
-
Samee dukumiinti fudud (sida Microsoft Word) oo aad ku barato halka ay xarfuhu ku yaalliin si aad u bilowdo qorista fariimaha ama qoraallada.
